VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Xaaskeyga xurmadaan jeclaa - Lyrics

Tii aan xariirtiyo U xidhaayay dahabkoo Xaaskaygii noqotaa Xumo igu samaysoo Waanigan xageedii Xurmo beel ahaadee Xubibaan sugaaye Xaradhaamo wasyee Xujadan maxay tahay Ma xaqbaa inay Xurmadaan jeclaa Xasad noqoto oo Xabsi igu ridoo Xero kale gashaa Tii aan xogtaydiyo xiisaha kalgacalkaba Anigu xanbaarshaay Ii gogoshay xaranoo Waanigan xasaradiyo Garan waayay xaalkee Xeerkiyo asluubtiyo Ku xad gudubtay dhaqanko Xakamaysay dookhee Ma xaqbaa inay Xurmadaan jeclaa Xasad noqoto oo Xabsi igu ridoo Xero kale gashaa
Queue is empty
-- / --