VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Sidi Qabax - Lyrics

Abuuraas hadii ruux jacayl sigo sahwi waa walaalee sidrigaygan damaqdee inkastoonan sababtii sidan kuugu imiba si wacan kuu garanaynin markii aan salan idhi suuniyaha dushoodiyo sida wajiga la ururshiyo intaad timaha seydhee saddex goor gacmahiyo surka aad is jabisee sidi qabax intaad tidhi sanqaroorka taagtee aaniguna sulaaqii maan seexanine xalay waxan sara fadhiyaaya Sahro Axmed dumarkuba saluugiyo subaxdaad is barataan sahwiga way iska leeyiin hadii aan uqabay sidan jeceyl seefa inuu yahay waaban kuu sad burin laa waxa soo sokaba maray sula xaajadii ahayd samaheenan maantee sahwiga iska daayoo sidaasay isaga wadan ragbaa dayaxa sahansday sirta dumar adoon galin samir ila ogoowoo imikana sidaan rabo hadii eebe igu simo waxaan suga wax hiigsada sadaalada aan qabo si kastaba adaa u wacan Abuuraas hadii saydhmo dhibic roob uu simo xareed wadhan saxalku waa ka guuree adiguna sidaad tahay sareedada aduunyada sahal maydaan ku gaarine hadaad saaka ii timid mabaad igu salaanteen maxaad iila socotaa samo iyo xumaan kee sadex goor wadnaha iyo sinta midig is qabatee sidi qabax intaad tidhi socod igula hadashee aaniguna sulaaqii maan seexanine xalay waxaan sara fadhiyaayaa Sharo Axmed sarsarada wadnahiyo surimadiisa dhiigiyo saablayda feedhaa seediyo laf caashaqu amba sadh iyo saan waa kan sudhan naftaydee ma sahlana huq sii dheer cidba hadaanana kula simin oonan laba sad noqo odhan naxliga iska saaroo ila soco dhul sooniyo foof daran abaariyo saymo oo dhan kalidaa kaaga siiban maayee imikana sidaan rabo hadii eebe igu simo waxaan suga wax hiigsada sadaalada aan qabo si kastaba adaa u wacan
Queue is empty
-- / --