qamareey kalgacalkaa
qalbigayga gelisa
qoomayn hirgeyn

qacda nuurka waagiyo
oon baxay la moodye
naftaa qancisaybaa
marna kaala quusayn
macaan kala qusayn

qatarban ku suganhoo
adiga i qasaaso
iima hayn warkaygoo
kalgacaylka ila qabo

quruxdaadan nuurkiyo
qolka qabadka lulayaa
naftu kuu qushuucdee

qaaradad ku dhalatiyo
qayrkaa dhamaantood
inaad tahay qurayshtoo
kolay kuu qirnaa
macaan ku qirnaa

Exit mobile version