Qof ujeedo kaalihi
kuusamee kun I inoo do
Hadba eray gunaadliyo
kuu raadi eedoo
sharaftaada iibgee

Qofka balo abaabula
qofka aamusaa diley
xalku aarsi maahee
qofka waxa ayaan daran
dabagala qof aadmiya

Inkastooy ayaamuhu
kubaraan ilaaqdiyo
adyadiyo xadgudubkiyo
qaabka aadmi kugu naco
Aqoontaada oo gudhan
ku kab aamusnaanoo
afkaaga masuulkanoqo

Qof itaalku meel dhigay
lama tuso awoodaha
Nasiibkuu irmaaniyo
kugusimay ayaankuye
tiisaa la eegaa

Adoo falikara asxaan
ha unoqon xumaha
EE ifku maalmo weeyee
ha shaqeysan aakhiro
waxaad eersato hadhaw

Inkastooy ayaamuhu
kubaraan ilaaqdiyo
adyadiyo xadgudubkiyo
qaabka aadmi kugu naco
Aqoontaada oo gudhan
ku kab aamusnaanoo
afkaaga masuulkanoqo

Exit mobile version