Caashaqu dan guud ma’ahan
Labo ruux dareenkooda
Waa dabar mataaniya
Qof kaloo ka meel doona
Waa dul saaree uma baahna

Dad alloo jacaylkaygu
Doodiina uma baahna
Ama dabino ii aasa
Ama daacad ka ahaada

Warka iyo dabuubteenu
Kuma duxin ka shayde
Daynmaayo daynmaayo
Daynmaayo Tuu maanku
kulankeeda doonaayo
Niyadu ku doogaysoo

Waan kugu damqanaayo dheh
Waxbaan kaaga dagiyaa dheh
Waanu kula dardaamay dheh
Naf kaloo ka sooco duunkan
Heblo doonisteedi dheh

Dab adoo afuufaayaan
???
Qalbiyada is doonaaya
Waji daacadnimadeena

Dibna loo furfurmaayo
Daynmaayo daynmaayo
Daynmaayo Tuu maanku
kulankeedu doonaayo
Niyadu ku doogaysoo

Exit mobile version