VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Faduul aadmi - Lyrics

Aadmigu faduul iyo Faaqidaad madaayaan Intay kula faqaan beey Farahana lasoo gelin Waxaan faa'iido ugu jirin adna feejignoow Fikraddaada kaasho Faallada kalgacalkuna Fudayd yaanay kula noqon Fidno lama abuuree Waxba ha i faquuqinoo Ha ina kala fageeyninee Farxad iigu nooloow Wixii aanad filaynbaa Illeen kaa fijiciyoo fallaar kaaga daranoo Kugu fool adaygee Fahanoo ujeeddada Ku foognoow dantaadoo Ficilada dhacaayiyoo Falanqeynta xaajada Fiira gaara ulahoow Fidno lama abuuree Waxba ha i faquuqinoo Ha ina kala fageeyninee Farxad iigu nooloow
Queue is empty
-- / --