Aadmigu faduul iyo
Faaqidaad madaayaan
Intay kula faqaan beey
Farahana lasoo gelin
Waxaan faa’iido ugu jirin

adna feejignoow
Fikraddaada kaasho

Faallada kalgacalkuna
Fudayd yaanay kula noqon

Fidno lama abuuree
Waxba ha i faquuqinoo
Ha ina kala fageeyninee
Farxad iigu nooloow

Wixii aanad filaynbaa
Illeen kaa fijiciyoo
fallaar kaaga daranoo
Kugu fool adaygee
Fahanoo ujeeddada

Ku foognoow dantaadoo
Ficilada dhacaayiyoo
Falanqeynta xaajada
Fiira gaara ulahoow

Fidno lama abuuree
Waxba ha i faquuqinoo
Ha ina kala fageeyninee
Farxad iigu nooloow

Exit mobile version