Heesta Is af garasho - Lyrics
gu'yaal badanbaan wadnee
sirtii aan gunudnayee
inoo goonida ahayd
goonyaha dibada u baxdee
dabnuhu goormay xadeen
ma dad aad gacal moodaybaa
godob tidhi way jirtaa
ma adoo gam'aybay riyada
cadaawuhu kaa gureen
warkay kaa gaynayeen
dadkaan gibisha uga xidhay
ee xanteenan goobi jiray
xogteena muxuu u naqay
cakuye ila garansha waa
anigu kumaan gabine
adaa ii gooyayoo
wanaagenii gees maree
markuu waayuhu i gabay
adaa iga guurayoo
jacayl igu gaamuraad
ka goysay calaasha oo
markaan gaawaha u culay
adaa iga gaagaxshoo
husbaad igu goysayee