VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Madmadoow cover - Lyrics

Sida mayay arooryaad Miiraale soo kacay Meel mahiigaan jilbaha dhigay Dhirtu ay magooshoo Maanka iyo caleentii Isku maydhac soomeen 2x Dhulka muruq ka soo baxay Muran uu dhex yaaloo Anaa kaa macaaniyo Waxan ahay mas ciideed Hadal la isu marin karin Maashee barwaaqaa 2x Muuqooda inanyahay Marmarbaan ku moodaa Ama kugu masaalaa 2x Runta lagama maarmee Maalintaan ku halacsaday Meel dhimanla inaad tahay Madmadow igama galin 2x Dayaxoo muquurin Marna galin daruuroo Maalmaha shan iyo toban Mudadisii buuxisay Cadceeduna mudh soo tidhi Madaxyada falaadhaa 2x Ku mariintay nuurkoo Midabaysay inanyahay Casaan milica wali noqon Isha muuqsigeediyo Mililico jaleeciyo Anaa meel ka daawaday 2x Muuqooda inanyahay Marmarbaan ku moodaa Ama kugu masaalaa 2x Runta lagama maarmee Maalintaan ku halacsaday Meel dhimanla inaad tahay Madmadow igama galin 2x
Queue is empty
-- / --