Heesta Rafiiq - Lyrics
raalidii haweenkaay
ramsigii naftaydaay
ramaasiyo udgooneey
raxan lagu hirtaay
rays lagu nastaay
ramad aan la madhiniyo
raaxadii aduunkaay
kalgacalay rumoobaay
nasab taan ku reeyaay
saaxiib rumaadeey
rafiiqaygi noloshaay
ROONE ha isu keen simo
qarni rubuc horaantii
gabadhaan rug khayrle
raas wada yagleelaay
tuu hankaygu raacaay
raacdada u galay
RABI aan ka tuugee
ii rumowday anigaay