VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Rido caashaq - Lyrics

Rafashada jacaylkiyo cishqigan raraafka igu jiiday raxanraadka xiisaha i baday ee i kala riiqay Kululaa rafaadkiyo dhibtiyo Raranka aan jiidhay ilayn ruux jacayl haleelay hurdada Raaxo uma seexdo Ilayn uurka dhamac kaaga rogan roobku maba qooyo Ilayn maanku tuu rabo indhaha klama riyaabtide Ilayn raacdadeediyo lugtiyo raadin kama daashid Ilayn laabta ruux kaaga yaal kuma riyoon waydid Ribashada kalgacalkiyo car jabay quus la daba roorka Rubad ololka beerkiyo kashiyo ruxanka maankayga Bal anaa ridada tuuriye adaa turuqday ruuxdaydu
Queue is empty
-- / --