VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Saluuglaay cover - Lyrics

Dhaaxaad is sidatoo Aduun kuu samraayoo Nafta kugu sasabayee Dhaxaan sir iyo caad Wixii aad samaysaba U sacaba tumayee Ogoow samirkii waa jiray Waa seeto goostayo Sadkiisaa dhamaadee In suldaanku boqor yahay Fiqiirkuna sabool yahay In sibraar mugii yahay Oon saa,id lagu darin Ila garo saluuglaay Dhaaxaan samaayoo Sixin iyo ahaa malab Kuu yaal sintaadee Adiguna saluuglaay Saadaasha khayrkiyo Luminaysay saacee Ogoow samirkii waa jiray Waa seeto goostayoo Sadkiisaa dhamaadaye Inuu samirku waca yahay Salfudaydna daal yahay Inay siigo boodh tahay Saxansaxo udgoon tahay Ila garo saluuglaay Inanyahay sidaadaba Marka hore salaan hoo Oo waliba sooryo ah Waa inaan ku siiyaa Marka xiga sirteenii Saadaashu wadatee U sacaba tumayee Seetada lahaydee Aan ku xidhay sibraarkee Ku qufulay sanduuqee Muftaaxeegii suubane Saablayda hoosiyo Bogada ibtoodiyo Wadnahaaga aan sudhay Sawdigan ka saaree Durba siiyay ruux kale Sadarkaasi ii xidhan Midna socoto weeyaan Waa badi sirtaydiyo Waxa aan ku suganahay Waloow aad i sidatoo Mudo ii samraysoo Ii sama falaysoo Sal ma dhiga ka wacan tahay Sidaad maanta yeeshiyo Saanaaanka muuqdaa Kaa siisan maayee Waa maxay saluuglaay Sakalaan is dhaafsaday Sideebuu xaalku kaa yahay
Queue is empty
-- / --