VOA A B C D E F G H I J K L M N O P Q R S T U W X Y Z


Soo hadal huuno Lyrics

indhaagani kuulan
hadalkaagani kooban
iyo faayaha kaahay
inkastoon idhi kaadso
iyagaa ileh kaalay
inkastoon kabidaayo
naftan kuu kurbanaysa
wadnahaa ile ka aargo
niyaduu kariyaayee
kalgacaylka usheego
kulankii aragaaga
kasmadii caqligaaga
kaftankii ereygaaga
kashu way tabaysaaye
kol kol soo hadal huuno

cidladaa la kadeedee
kambal aynu wadagno
ikaboo aan ku kaabo
kalmadaa kalmadeeda
idheh waa kadabaaye
anigoon ku kadeedin
adna aan i karhaynin
wixii la kortashaaba
marbu kaalin galaaye
kaligaa tag bogeyga
kulankii aragaaga
kasmadii caqligaaga
kaftankii ereygaaga
kashu way tabaysaaye
kol kol soo hadal huuno


Lyrics by: anwar
loading..
-- / --