karti laygu darayee
han dadaal idhaahdiyo
dardar galisadaydii
durba tabayay meeday
sidaad iiga durugtaan
udayaysanahayoo
dayactira daryeelay
farxad lagu dalxiisiyo
wanaagbaa danbeeyoo
qalbi aad la daristaa
raali galinta soo diray
laba dani dhextaalaa
marmar inay isdiidaan
daain iyo ilaa abid
waa dabeecad aadmiye
ha iga dudine soo noqo
da' intii is xulatee
dookh la isku raaciyo
dareen uu mideeyaa
kolkol hadal kaduulaa
hadaan la isku duubnaan
ma ogtahay daleediyo
qofba daraf haduu jiro
dugsi kama helaayee
sirtu waa dulqaadkiyo
isku duruga garashada
dabcintiyo is fahankee

Exit mobile version