VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Balantaynu dhiganaa - Lyrics

Baabulahaa libaaxiyoo. Kayn bahal ku jiraa oo Dugaagu uu ku badanyahay Kama bayro halistiyo Nafta baylah-deedoo Nafta baylah-deedoo. Bishan kaa maqnaa baa. Sanad? igaga badatoo Bigilkaa la tumayiyo Uma? dego bannaankoo Jacaylkii i boobaan Ka ilaaliyaa buub Uma dego bannaankoo Babac baan ku noolee Bar barkaad jidhaa baan Bisinka u hayaa Barkhad & bishaarooy Ballantaynu dhiganaa Hawd iiga baaqee Wadnahaad la baydhaa Ku bariidinaayee Wadnahad la baydha Ku baafinaayee Ma beri samaateen Maberi samaateen Dadkoo baahi qaba Abaar ay bes joogaan Xilliguu ku beegnaa Guga oo balaadhoo Bari iyo Galbeed baxadiisu? is gaadhoo Xareedii la buuxsaday Baadkiyo caleentuna Carradii ku baaheen barqo-dhereg la joogoo Dhallintiyo barbaartuna bartamaha habeenkii batar ay waceen baan ka baadiyooboo Bar barkaad jidhaa baan bisinka u hayaa Barkhad iyo bishaarooy ballankaynu dhiganaa hawd iiga baaqee Wadnahaad la baydhaa ku bariidinaayee, ku baafinaayee
Queue is empty
-- / --