VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Cakuye hawl - Lyrics

cakuye hawl adduun badanaa ma cidla ciirsi laan fadhiyaa cir kaa dheer dhul kaa dheer caaweyka kuududaa weyga ciirsantoo taladu cayn wareegsantee aniga culeys baa isaarane allow ciilka iga bixi nin caydhi waligii ceeb kama fogaadee caaway u darantee xageen baan cuskadaa cakuye cosobkii qalbigaa mahayo carsigii indhahoo midii aan calmadaan cidhiidhi igu dhishee caashaqbaan curtee anigu la cataabayee addagaa ifka laygu curatee allow ciilka iga bixi nin caydhi waligii ceeb kama fogaadee caaway u darantee xageen baan cuskadaa calool xumoodayee xalay baa gogosho i cuntoo cartamoon sidaan u cadibnaabaa cadceedu soo baxdee cudur baa iigu sii darane waa calaacashaa madhane cidi jiiday socodkee allow ciilka iga bixi nin caydhi waligii ceeb kama fogaadee caaway u darantee xageen baan cuskadaa
Queue is empty
-- / --