Xusuus baa idilootayoo
Qalbigeyga doorisoo
Hadba meel u duulee
Ma leygu kaa diray
Ma adigaa doqonoo
Duunyada wax dhaamin
Dhalay Deeqaay

Sidii dayr barwaaqo
Duleedada ku hoortoo
Xooluhu dherag la daateen
Dadkuna farax u doodayay
Abaar daran ka doogey

Wanaagey u deeqday
Qiyaas laguma doonee
Anna daymadaadiyo
Jacaylkaagan daaha,laa
Waa mid laygu daabee
Adna kaamay daadagin
Dabuubta aan ku leeyoo
Dabac iila doodoo
Qosol digix ka siisee
kan dusheyda saarani
Birri buu ku daadihin

Deeqay walaaley
Daalayoo ma nooliyee
Kaalayoo debka ii huri

Dareemadii ku tiiley
Daafahaan dacalladeediyo
Darantii durdurisee
Doollaa lagu yiqiin iyo
Deegaan roob lamoodyee
Nafteydaa ku damacdoo
Dumar kale ka durugtoo
Dabar iyo hogaan iyo
Ku dedaalay waanoo
Idaryeeli weydee

Dabci waa ma guuraan
Siduu hadal duq hore yiri
Intaad diideyso daawada
Idaryeela noqo oo
Adaan kuu dulloobee
Dabayl raac ha iga dhigin

Deeqaay walaaley
Daalayoo ma nooliye
Kaalayoo debka ii huri

Gedoodkii diraaceed
Daa,inkeen ka qaadoo
Gugu daacad ugu da,ay
Rayskuna dibadda yaaloo
Durba doog kasoo baxay
Cosobkeedu dihin yahay
Waa Dabci lagu yiqiinee
Anna daymadaadiyo Jacaylkaagan
Daaha.la waa mid laygu daabee
Ruuxi daawashow taga
Degdeg farax ma waayee
Anna dookh iqaadyoo
Daalac kale ilaawee
Nabsi deyd ma dhaafee
Hooy daleedda ha dhigin

Deeqaay walaaley
Daalayoo ma nooliyee
Kaalayoo debka ii huri

Exit mobile version