VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Garqaado jacaylyahow - Lyrics

Garqaado jacaylyaho
Aan gamee i daayoo
Garbaduub ha ii xirinee
Iga siib gantaalaha
Ama taan u go'ayee
Naftu gacalka mooddaa
I guhaadinaysee dhibkaan qabo bal gaarsii

Garqaado jacaylyahow
Gayi laga hayaamiyo
Gari go'an salkeediyo
Gamaahiira ha i dhigin.
Ama taan u gaystee
Aan gudayn abaalkaa
Cidla iiga guurtee
Dhibkaan qabo bal gaarsii.

Garqaado jacaylyahow
Guri hayga dhiganoo
Guudka ha iga rarinoo
Ciilka ha igu gaagixin.
Ama taan u gaystee
Aan gudayn abaalkaa
Cidla iiga guurtee
Dhibkaan qabo bal gaarsii.

Axmed Cali Cigaal

Queue is empty
-- / --