VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Gobaadey - Lyrics

Inta gabay kalgacal Iyo gewsta kaban ka Guuxiyo lagu tumo Gurbaankiyo Maansadu igarab taal Garta hobal goohiyo Geeridii abwaan kiyo xabaashii Mansadu guntod Tahayeey Hiyigayga caashaqa Marna kama go'aayee Gocoshada la ooyiyo Ilmadayda gabax tiriye Garan maayo ruuxaan Gantaalaha jacaylkiyo Soomarin gamuunkiyo Haduu kagu gaagaxay Kaygu wuu godlanayaa Waabes gaawaha ha U culane Sidii aar gandaalaan Gabaldayiyo waagii Maalintii labada galin Goortaan ku waayaba Niyadaan ka guuraa Qalbigu geediguu raro Naftu galab caraabada Guboodiga habeenkii Gabadanada dhaxamed Guura leyl dhexe Afgobadsan maayee Markaan talo gorfeyoo Arin aan gunaanado Soo gunaadka boogtii Wadnaha iyo garkiisiyo Halbowlaha ku garabtiil Ima soo gujinayaan Gu hooroo kala guray Daruurtoo bariga iyo Galbeedkaba curashada La guuxoo Saymaha garaaraha Iyo gabi waqalada Guulaamadiisiyo Gurxankiyo hilaacii Kolba geska baaqdaba Aan sheeko gacaliyo Moodo gurigii waagii Ima soo galbinayaan Ima soo galbinayaan Galabnimo cad ceedoo Godkii ay ku hoyan lahayd Siidhigatay gogoshoo Moodii gaduudnayd Ku mariintay aragtida Dayaxuna garkii kale Ka gudoomay nuurkoo Gacalnimo sagootiyay Maalin galin danbeetiyo Habeen soo galkiisii Gacmaha isa saareenoo Ay is nabad galyeeyeen Garwaaqsiga xusuusta Leh isha galacsigeediyo Farxadaan lagoohiyo Aynu garanay caashaqa Sida uu udhigan yahay Isu guurinaayaan Ima soo galbinayaan Igu baabin maayaan Waqtigoo nagaabshiyo Waayahoo nagaasira Iyo gar alle mooyee Axdigaynu gunudniyo Ha iloobin gobanimo Hayga gaabin adunyadu Gacalooy kaalintaada hay Gabin gobaaday Gaaridii i hanatiyo Noqo gabanadeduna Wanag lagu gardadshe Gurigeeda baahane Soo baadi goobee Qurux lagu hagogiyo Gabadhii hidahayaga
Queue is empty
-- / --