Magool:

Waxay goronyo cawshuba
ubadka ubadka u carbiyeeysaa
cadawga uga guushayee
cil ciloowga fiidkiyee
coonka coonka uga joogtayeey

Caynaano ubad iyo
cidla wehel wehel
ka dhigatee

ana ciirsi adigaan
noolaha cariga jira kaa
caleemo saartee

Galgaceylkan curudda
raboow haygu cilininee

Udub caasha keentiyo
cawa dhalad hadaan ahay
caafimaad san caafimaad san
kugun deeqee.

Axmed Cali cigaal

Naftu waxay canaantiyo
cudur daar cudur daar
ka deeysaa

cawdkiyo barwaaqada
ku calool samaataa

maarka laba is caashaqay

Cisi ay ku dhaqantee
Caruur caruur daadaheeyaan

adna doog cagaar iyo
cosob faraqa bixiyaad
cindaga uga dhigantoo

waqtiga mar ciribta iyo
cidii kaa suldaaroo

Cilbaxa ku siininoo
cad dalool habeenimo
anba waa u cawdaa

Magool

waxaa goroyo cawshuba
ubadka ubadka u carbiyeeysa
cadawga ugu guushayee
cilcilowga fiidkiyo
coonka coonka uga joogtayee

Caynaano ubad iyo
cidla wehel wehel
ka dhigatee

ana ciirsi adigaan
noolaha cariga jira kaa
caleemo saartee

Galgaceylkan curudda
raboow haygu cilininee

Udub caasha keentiyo
cawa dhalad hadaan ahay
caafimaad san caafimaad san
kugun deeqee.

Axmed Cali cigaal

Naftu waxay canaantiyo
cudur daar cudur daar
ka deeysaa

cawdkiyo barwaaqada
ku calool samaataa

maarka laba is caashaqay

Cisi ay ku dhaqantee
Caruur caruur daadaheeyaan

adna doog cagaar iyo
cosob faraqa bixiyaad
cindaga uga dhigantoo

waqtiga mar ciribta iyo
cidii kaa suldaaroo

Cilbaxa ku siininoo
cad dalool habeenimo
anba waa u cawdaa

Exit mobile version