Lagdamaay aduunyooy
Lumiyaay fogeeyaay
Ma libdhaay ma loogaay
Deeq lagu ladaabto
Ruuxna laabtoo
Ma lihidee
Waxaad tahay luggooyooy
Midaan cidi ku lulanineee

Liqmadaada leenkee
Sida luhunta diinkaa
Gartay laabashiyahooooo

Waxba aniga ha ilulin
Ruuxaa laabta kaa jecel
Inta laydha laga qarin
Leeleyl kaa haroo
Sixun ma u lileeysaa

Waxaa kaa lugmeersada
Ruuxa faralka laasima
Aniguna kuuma liicsaniyeee

Laacdamaay adduunyooy
Laqanyiyo baruureey
Lufaniyo abaareey

Adigoon laxaad qabin
Waxaad tahay laleemooy
Larkaagii jabiyeey
Sida layli geeddiyaa

Adoon laayahaamaha
Loolidaa ha ii qarin
Labacaaga beeneed
Leexleexinaysiyoo
Laaca ma oggoli
Qalbigaygu lahashiyo
Lib adduunyo wu nacay
Waanu kaa lingaxanyahay
Waxaan la dheelmadaa
Ruuxa kaa lug meersada

Lib waxaan la dheelmadaa
Lama hura nafta ogsoon
Anigunaa kuuma liicsaniyeey

Legdamaay adduunyooy
Legdamaay…..

Exit mobile version