Heesta Laysku soo noqon - Lyrics
Sidii aan isugu niil
ma ay gabin nafteeydiyo
waa nabad warkeeygani iyo
nooli kulantee
hadalna kii nasteexiyo
nafaqo iyo wax siin
nafaqiyo wax siiniyo
kama dhaco nimco dumar
Nafar ruux markaad
tahay
aqal bihi baa nadiife
Naruurada la dhowraa
kumana nicin kumana nicin
naxlina kuuma qaadin
so tee nabiga yiri
hadaa nolasha la wadaaga
nabad gala eha jira
Waa laysku soo noqon
wixii nool aduunyada
dhulka oo naqu baxaye
roobkana ku nuuxsadaye
Nimcadii aduunkaay
Bal nasiibka ila dhowr
Nal aduunyada weeyaan
Nuur iyo xariiriyo
Nooliga wajiga raaca
Qalbiga nugulkiyo
nawada ibliiskiyo
Nal aduunyada weeyaan
Nuur iyo xariiriyo
Nooliga wajiga raaca
Qalbiga nugulkiyo
nawada ibliiskiyo
Qalbiga nugulkiyo
nawada ibliiskiyo
nacasnimada ka ogoow
Anigiyo nasiibka
naftada umaqanahay
nasa oo hurdada
gama
war war waa ku nugaa
nugulkaad sameeysaa
beerkeeyga nabariyo
nudub yuu ku noqon
Nabaad guurka
ka ogoow
Taadana ha naafeen
teydana ha waawirin
nuux nuuxsi kaa jara
ha u geeysan nuuraay
Daruurtii la naa wiilo
sidaad niyada ka ogtahay
markaad eebe soo naaqo
maanka ku naaxo meesha
nadiifto
Xamdaa lagu nagadaa
Xamdaa lagu nagaada
Adigana nabaadeey
waligaa u nooloow
Nabi qadar sidiisii
Waa laysku soo noqon
wixii nool aduunyada
dhulka oo naqu baxaye
roobkana ku nuuxsadaye