Shalow baan ka dhacayoo
dhiiga layga shubayaa
mooyo lagu shukulayaa

shantii nabar anoo
qaba jaceylkana ku
shadanyahay ayaad
igu shirbeeysee

Maxaad sheekadeenii
Nacas inta shirisay
dumarkii ugu sheegtay
shalay galab

Ha i sheegan inanyahay
shidadiyo jaceylkana
inta shaar u galiyaan
shalanbood la degiyo
shib dheh oran shar iyo qayr

inagoo shuraaka isla shoornay
kaligeen warka shugux ka siise
sida bahalka shaashka leh ama
ruux shisheeya sheedaad iga wareentee

Maxaad sheekadeenii
Nacas inta shirisay
dumarkii ugu sheegtay
shalay galab

Ha i sheegan inanyahay
shidadiyo jaceylkana
inta shaar u galiyaan
shalanbood la degiyo
shib dheh oran shar iyo qayr

Shalow baan ka dhacayoo
dhiiga layga shubayaa
mooyo lagu shukulayaa

shantii nabar anoo
qaba jaceylkana ku
shadanyahay ayaad
igu shirbeeysee

Maxaad sheekadeenii
Nacas inta shirisay
dumarkii ugu sheegtay
shalay galab

Ha i sheegan inanyahay
shidadiyo jaceylkana
inta shaar u galiyaan
shalanbood la degiyo
shib dheh oran shar iyo qayr

Exit mobile version