VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Run u nool - Lyrics

Cirkoo sagal lihii iyoo Sida oogta waabaraay Ama roob onkaday iyoo Deegaanka oogadaay Wax indhaha urooniyo Qalbiga adi ku yaallaay Inanyahay waxaad tahay Aqli miduu ku idil yahoo Edebtiyo anshaxa dumar Ayaan kugu jeclaadoo Inkastoon aadami ahay Ku illaawi maayee Hadda adiga weeeyoo Adiga weeyaan aamina cali Aqooniyo nasiibaa Dadku ka intifaacaa Jacaylkana is aamin baad Istareex dareentaa Amaanada mid dhowrta oo Ii abshira ayaad tahay Adigaa ah raalliyo Allaheed taqaannoo Asluubtiyo wanaaggaba Eebbaa kugu mannaystoo Run unool ayaad tahay Iimaanku buuxoo Hadda waa adiga heedhe Adiga weeyaan aamina cali
Queue is empty
-- / --