VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Salal - Lyrics

Wali soo dhaweyntiyo salaanta iyo bariidada kuguma aanan saluugine suubanida weedhiyo su'aashuna i deeqdee sasaba iyo xeeliyo sidey kugu dilaan bey sir haween u badantee saxar anigoon qabin waxa aan la salalaa i salaaxdey dhabankee dhunkashadu sidey tahay Wali sahashigaagiyo seefteyda hadalka ah iskumaynaa saluugine kolkii aynu diir qudha islama aynu suganine sasaba iyo xeeliyo sidey kugu dilaan bey sir haween u badantee saxar anigoon qabin waxa aan la salalaa i salaaxdey dhabankee dhunkashadu sidey tahay Wali suuda dheeriyo sahankaan ku maqanahay ee siifog sanadahaa reerkiina sada yaal igama aanad soorine sasaba iyo xeeliyo sidey kugu dilaan bey sir haween u badantee saxar anigoon qabin waxa aan la salalaa i salaaxdey dhabankee dhunkashadu sidey tahay
Queue is empty
-- / --