VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Walaalshay gacalisoy - Lyrics

Walaashay gacalisooy Aakhiro wehel lama ahoo Wakiil Laykuma noqdoo wacaal laysuma haye walaashay gacalisoow Intay Wada Noolyihiin Haday laba waajibiyo Xaq wayn isku leedahoo waxuun Ifka laysu taro Cadi iyo Jiidh wada dhashoo Wadaaga naftaynu nee Walaashay Gacalisooy Anigu waagi Baryaba Wanaagaagaan Jeclahay Wadeecaan kula necbahay in Cadaw kugu wiirsadoo Marnaba aad wiiqantiyo War iyo ceeb kulama rabo Walaashooy Gacalisooy Walaal nimadeeniyo Jacayl wadankaa lehoo wadnahu wadar kamadhexeeyo ahe waheey isagana ka waa Walaashay gacalisoow wadada khayr towbadiyo wacane dhaqankiyo hidaha ilaah hayna waafajee walaashay gacalisoow wiiliyo caanaba noqee waxbaan kuu sheegayaa adduunyadu waa wilwilad hijradu waa kala wareeg wacdaro baaxadagiyo walayl baa lagu jiraa walaashay gacalisooow. Anigu waagi Baryaba Wanaagaagaan Jeclahay Wadeecaan kula necbahay in Cadaw kugu wiirsadoo Marnaba aad wiiqantiyo War iyo ceeb kulama rabo Walaashooy Gacalisooy Waxaa soo diray: Halkaraan Ali Marshal
Queue is empty
-- / --