Ubax soo baxoo
isha keenay baa
sidisii amal u,udgoontahoo
arigtidaada wacan
ku il doogsadaa

Unugyada jirkiyo
adimada dhaamaan
inanyahay adaa
ku asteysanoo
kuu ooynayaan .

Uuuuuuuuuuur kutaaladiyo
arimaha kalgacl
eelkeygu dhacay
waa aawadaa.

Naf kuu oo manoo
aynigaa haweeyn
ka irdhowday baan
adiga uun dartaa
axdigaan lahayn
ku ilaaliyaa.

ololaha kalgacal
adigaa watoo
idilkood xubnaha
amarsiinayoo
kuu adeegayaan.

Uuuuuur kutaaladiyo
arimada kalgacal
eelkeygu dhacay
waa aawadaa

Lyrics by Haajir

Exit mobile version