Barnidaan jeclaaday
igu beertay caashaqa
boga iyo wadnaha iyo
beerka igaga taalay
baahida kalgacalkiyo
boholyowga aan qabo
naftu kuu basaastoo
bogsan waayey awgaa
adiguna badhaadhiyo
barwaaqaad la jiiftaa
anna boogtii caashaqa
waxaan ahay basteeyoo
barkintaan dul alaa

Barniyey adduunyda
intaan baaqi noolahay
qalbiga kama baxayside
waxaad tahay badhkeygee
berigii aan kulaniyo
barashadii tix galiyoo
balantii dhexdeeniyo
wacad kii ha baal marin
adiguna badhaadhiyo
barwaaqaad la jiiftaa
anna boogtii caashaqa
waxaan ahay basteeyoo
barkintaan dul alaa

Exit mobile version