VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Diiwaan - Lyrics

Armuu i dilaa cishqigu armuu diihaal jaceyl nafteyda dugaashadaa aniga haduu cilmi doogta dhigay armuu anna igu daraa qabrigay ii daadahshaayoo diiwaanka diiwaanka armaan galaa anigu dawooy, dawooy anigoo ku jecel jidhkeyguna kuu damqado armaad iga doorsataayoo cishqiga igu deyrisaayoo dalxiistaa meelo kale adigu danteena adaa hayee taladaan kuu deynayaa adoo ii diirnaxaaya qalbiga raxmad iiga doon Armuu doog igu noqdaa nimaan doorida mudneyn armey dantu caawisaa isaga haduu caashaqu i dilo armaad adna daanadaa docdaada ka yeelataayoo dariiqii dariiqii hodan martaa adigu anoo, anoo kuu daacadoo naftuna kuu daalantahay armaad axdi doorisaayoo cidlada igu deyrisaayoo dalxiistaa meelo kale adigu anoo, anoo kuu daacadoo naftuna kuu daalantahay armaad iga doorsataayoo cidlada igu deyrisaayoo dalxiistaa meel kale adigu danteena adaa hayee taladaan kuu deynayaa adoo ii diirnaxaaya qalbiga raxmad iiga doon
Queue is empty
-- / --