Heesta Qardho - Lyrics
Gabadhyahay qudhaadaan
Qarnigan calmadayee
Gabadhyahay qudhaadaan
Qarnigan calmadayee
Qadarinaa kalgacalkiyo
Qiimahaan kuu qaboo
Qadarinaa kalgacalkiyo
Qiimahaan kuu qaboo
Quruxdaadu gacalooy gacalooy
Wey ii qiiro galisayee
Quruxdaadu gacalooy gacalooy
Wey ii qiiro galisayee
Qeyrkaana kuu qiree
Inaad qiimo Dheer tahay
Inaad qiimo Dheer tahay
Qeyrkaana kuu qiree
Inaad qiimo Dheer tahay
Inaad qiimo Dheer tahay
Qadawgii nugaaliyo Ubaxii qarqoodey
Naftuu kuu qushuucdayee
Ila qeybso caashaqa Ila qeybso caashaqa
Ila qeybso caashaqa Ila qeybso caashaqa
Qalanjadii hablaha iyo
Qorax soo baxdaa tahay
Qalanjadii hablaha iyo
Qorax soo baxdaa tahay
Dumar qiimaheediyo
Qurayshtoodi baad tahay
Dumar qiimaheediyo
Qurayshtoodi baad tahay
Qaalidii haweekaay haweenkaay
Dareenkaygii qaadayeee
Qaalidii haweekaay haweenkaay
Dareenkaygii qaadayeee
Qaraabaad I galisayee
Qalbigaad ku qoran tahay
Qalbigaad ku qoran tahay
Qaraabaad I galisayee
Qalbigaad ku qoran tahay
Qalbigaad ku qoran tahay
Qadawgii nugaaliyo Ubaxii qarqoodey
Naftuu kuu qushuucdayee
Ila qeybso caashaqa Ila qeybso caashaqa
Ila qeybso caashaqa Ila qeybso caashaqa