VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Xaawa Luula - Lyrics

Xidigtaan arkaayiyo Asalkaan xiriirsaday Xabash iyo barwaaqadu Xero qudhay ka muuqdaa 2x Xigashana warkayga Uu xifaalo Rooneey Xigtadiyo dadkeenaa Xilo Iskaga keen dhigay 2x Waxaan kuu xanjeer dubtaa Warku xiiso yeeshaa Adoo xiga dhankaygee Xakamaha ha sii deyn Xakamaha ha ka sii deyn 2x Xaga iyo xagaaba dayay Haweenkana xisaabiyey Dubayoo dhan soo maray Qof xumaan ku sheegana Xaawo sharaf Xaawo luula Xaawo Nuura maan arag Xaga iyo xagaaba dayay Haweenkana xisaabiyey Xamaroo dhan soo maray Qof xumaan ku sheegana Xaawo sharaf Xaawo luula Xaawo Nuura maan arag Ka xuluushey waayaha Naftan xiiso loo helay Jacayl xalaaliyo Xog ogaalku waa adi 2x Xubintaad halaysiyoo Hanti kuguma xaasidin Xamaantiyo xusuustana Xero xeradoodu waa adi Xubintaad halaysiyoo Hanti kuguma xaasidin Xigtadiyo dadkeenaa Xilo Iskaga keen dhigay Waxaad xumo ka leexdaa Xabxab kaga bogsoodaa Adigoo xiga dhankaygee Xakamaha ha sii deyn Xakamaha ha ka sii deyn 2x Xaga iyo xagaaba dayay Haweenkana xisaabiyey Dubayoo dhan soo maray Qof xumaan ku sheegana Xaawo sharaf Xaawo luula Xaawo Nuura maan arag Xaga iyo xagaaba dayay Haweenkana xisaabiyey Xamaroo dhan soo maray Qof xumaan ku sheegana Xaawo sharaf Xaawo luula Xaawo Nuura maan arag
Queue is empty
-- / --