Heesta Beledweyn - Lyrics
baxsantaan jeclaayeey bilantii haweenkaay
bushaaraan u baryaya barigaad ku nooshahay
balaayadu ma aadee
balantii dhexdeeniyo barashadii macaaneyd
marna ha baabiin
bartii aad ku bar baartiyo bil dhaanteedu waxay tahay
dhul barwaaqo oo ladan biyuhuna qul qulqyaan
bulshaduna badhaadhiyo nabad ay ku nooshahay
hadii aan bad baado baryaa naftan qabo
waxaan kuugu baaqaa bartii aan ku kulaniyo
balad wayn allahayoow
boodhari wixii dilay batalaale seexshaa
ana igu bilowdee boqoradii hablahaay
biya dahab la moodyeey
axdigii ma baylihin bogaad iigu beerantohoo
naftaa kuu basaastee
buqcadaad ku dhalatiyo bilicdeedu waxay tahay
meel ugbaad ku badanyahay biciidkiyo
balxadhidhkuna balayada jiifaan beeshuna baraar tahay