Heesta Caashaqa ilayn Calafaa ka wayn - Lyrics
Labadii is caashaqoo
Cindiga iyo laabtiyo
Caqligoodu wada jiro
Cadaw looma waaye
Ciladaa/Culays aa dhamaanee
Caqabadaad inoo Maro
Waa caadadiiis
Way ii cadaatoo
Caawaan ogaadee
Inaa tahay caruus
Caashaqa ilayn
Calafaa ka wayn
Ciza malahan dumarkiyu
Aadmiga oo cadiban bay
Cidlo kaaga tagayaaan
Midkale ucarabdhawaan
Markay kaa cadibto
Talo kugu cuslaato
Cududaha ku gooyaan
Cudurkay igalisaan
hurdada ugu caagoo
Farxad kuma caweeyee
Caashaqu ilayn
Calafaa ka wayn