Heesta Ceyni - Lyrics
Qaaliday walee walee
Ceeb ma lee
Dhuuliyo waxaan idhaa
Carfoon waayee
Caadilkaa u uumayo wey
Ceeb ma lee
Caalamkaa u codeeyoo
Cadceeda iftiin
2×
Cudur bilaa wiiso waa cishqigee
Cabsi ku joog cadaab waaye
Ma ceeshi karee la,aantaadee
Adaa cindigay ku taalaayee
Ma ceeshi karee la,aantaadee
Adaa cindigay ku taalaayee
Cimrigaa ha raago
Raago raago caafimaad
Irid barwaaqo caadil
Kaaga tuugaayee
Caadilkaa u uumayo
Ceeb ma lee
Caalamkaa u codeeyoo
Cadceeda iftiin
Ceeniday walee walee
Ceeb ma lee
Luul iyi waxaan iraa
Carfoon waayee
Cadaani madow
Intii caradaa ku nool
Ale caadil kaa uumoo
2×
Ku cimro qaado ninbow
Camalkaa aad suubsatid
Waa cambuurkaagee
Cindigaa ku haay
Ku haay ceenadaa
Ii calaamadaa hore
Turaab waayee
Caadilkaa u uumay
Uumay ceeb ma lee
Ceeniyoo waxaan idhaa
Carfoon waayee
Caadilkaa u uumay
Uumay ceeb ma lee
Luul iyo waxaan idhaa
Carfoon waayee
Ceeniday walee walee
Ceeb ma lee
Ceeniday walee walee
Ceeb ma lee