VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dadka reer afgooye - Lyrics

Arin lama filaanoo Isku kay luraayoo Tii ani ale ii qoray Ifka kuma noolee 2× Weydaan ogaynee Dadka reer afgooye Weydaan ogaynee Dadka reer afgooye Ma yaxaaska dooxiyo Af yaqaana jeerta Ma yaxaaska dooxiyo Af yaqaana jeerta Dad madow waraystoo Mudo ii hadeeya Dad madow waraystoo Mudo ii hadeeya Wabiyaasha awliyo Bada oogadeediyo Uurkeeda baarayee 2× Ila tali waxgaradoow Ma ergaan diraayoo Umadaha islaamkee Xaqa hoos u eegaa Arintayda geeyaa 2× Ambatooy naftaydaa Ogolaatay duurkaa Dhul abaari haysoo Oon looga guuro 2× Aar iyo shabeel iyo Abris goola mooyee Aar iyo shabeel iyo Abris goola mooyee Kay tahay ugaadii Cidi aanay oolbaa Kay tahay ugaadii Cidi aanay oolbaa Ku maqnaa ayaanoo Ka ardaa sameystoo Ku maqnaa ayaanoo Ka ardaa sameystoo Gabigeed aduunyada Adinbaan ku kooboo Socod iima laabna ee 2× Ma sidii ayuunbaan Dhib la aamusaayoo Wuxuu yahay ayaankay Iimaansadaayoo Samir eebe qaataa 2×
Queue is empty
-- / --