mid dabeecad wanaagsan
dumar taan u maleeyay
hadii ay doqonowday
danbi maaha jacayle
dad maxaa kala haysta
ala yaa ka daayoo
ninba tiisa la doonta

damiir caashaq haleelay
bukoodoo damqanaaya
dugsibaa ku haboone
naftu diiqad ma gaydo

dookhu maaha yaabe
taan u daalay haween
hadii ay doqonowday
danbi maaha jacayle
dad maxaa kala haysta
ala yaa kala daayoo
ninba tiisa la doonta

hablihii dagalkeena
DAAIMKEEN ku manaysatay
qurux tii igu deeqday
dadka aan ka bidaayay
dugsi aan ka sugaayay

Exit mobile version