Heesta Fanaanimadaan ku xishooday - Lyrics
hamooy filan waaga aduunka
dhacdooyinka fiidka fa waytay
markuu falanqeeyay garaadku
fuluuja sidii laga yeelay
naftayda ku faani jiraysay
sidaad ka fashaa ka xumaatay
hadaadse kaa ficil qaato
fadeexad la koobi karaynbaad
dhexdeena ku faafi lahayde
fanaanimadaan ku xishooday
danteeda adoo fulinteeda
fagaare iyo fayda u taagan
haday xumahaaga ku fooftay
fogaysay wanaagiyo fiicni
si fool xun ka yeeshay jacaylka
faa ido u diiday qudhaada
adoon fartaada qaniinin
dhibaato intaad fududaysato
facaa wuu waalan lahaaye
fanaanimadaan ku badbaaday
faxankeena ku badbaadshay
by masuul.com
lyrics