haduu caashaq halis yahay
xiniyo dhib badan yahay
halis galiye aadmigu
haatan hada sow i uu helin
hal abuurka ima barin
haamaha wadnaha iyo
saw hoy kama uu dhigan
hayaan sow umaan noqon
hud hudka qabadka keeniyo
haatuf sow guyaanihii
heesaha masoo qoro
hansal kaama helin wali
hiil waan ubaahanahay
may hagar baxaysaa
haduu caashaq hoodiyo
hibayo wanaag leeyahay
hada saw ima uu hayo
hawl sow ima uubadin
hiirtaan yadiisiyoooo
hawo sow umaan ihi
himigeyga imuu kicin
hor ilaahay awgaa
hayaan sow umaan noqon
hibintaada kuma jiro
halka aad kunooshahay
hiigsi sow kumaan ihi
hiilna waan ubaahany
hoy inaan wadaagno
ma iihagar baxaysaa

Exit mobile version