VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Hasha geel - Lyrics

Hasha geel Hasha geel hoodka saraa Gunguryaysataa Waxayga hoos ku yaal Hamigeeda ma siisee 2× Ani waa habaabee Hami waa hungoobee Ani waa habaabee Hami waa hungoobee Waa xabaaranaayee Hoorhoorka heynu haste Hoorhoorka ninu haste 2× Mudo dheeraan hurdaayee Hada leen naf iree Hoo habaaska i qaad 2× Hooga anaa usoo hiishoodee Aan heebihaayee Ka hari weysee Waa ku haysataa 2× Hanti maa Hanti maa ninkii helee Hanaanaysan waayee Ma huree halaaticiisa Maa gaaree 2× Marna waa ku hodantaa Marna ku hurtaayee Marna waa ku hodantaa Marna ku hurtaayee Hagar walaaleed ma haboonee Haadhaadkii tog ma iigu xoree Haadhaadkii tog ma iigu xoree 2× Hawa beenaan helaayee Hangartaad i dilee Wax ma ii harsanee 2× Hooga anaa usoo hiishoodee Aan heebihaayee Ka hari weysee Waa ku haysataa 2×
Queue is empty
-- / --