Heesta Hooyo - Lyrics
ha iilan hooyay
ha eedamin hooyoy
hana aafobin hooyoy
adhaxdiyo oofahyga
aqoontiyo aragtidayda
tii lagu aaminay naftayda
ha aafoobin hooyo
hoygii adunkaa
nolosha aayaheegaa
mida lagu arooray
ha aafoobin hooyo
ayaadaha quraankiyo
aamiinta ducadiyo
eebaan ku baryaaya
ha aafoobin hooyo
ayaan waliba tilmaan leh
hooyo anigoon ilooweyn
uurka ku qaadistaadii
oogada hooyo
ku xanbaaristaadii
abaabintaadi ba macaana
umushaad kolay tahay
xanuunkii ku soo maray
waan kuu ogsoone
kaama abaal dhacaaye
ha iilan hooyo
ha aafoobin hooyo