Heesta Jaceylyahow - Lyrics
Jacayl yahow ciilkiyo
Catowgaan ibadayow
Casarkii lajoogiyo
Cawo layl habeenkii
X2
Ceeshkii ka go'ayoo
Hurdadii ka caagee
Calwasaad idilaye
Cadownimadu waa
Maxay X2
Caadilow allahayow
Inantaan calmadee
Calaf iiga yeelooo
Cududayda soo geli
Farxad aan ku ciidee
X2
Camalkiyo dabecada
Cisadiyo wanaaga
Ceenkeed quruxdiyo
Midabkeed casaanka
X2
Gabadhan ku cashaqee
Cajabisay naftaydaa
Cishadaan is baraniyo
Cindigayga raacaa
X2
Caadilow allahayow
Inantaan calmadee
Calaf iiga yeelooo
Cududayda soo geli
Farxad aan ku ciidee
X2