jacaylka anaa la jaaray
habeena ka jiifsan waayay
jawi iyo sheeka aan dhamaanayn
saq dhexe soo jeed ku gaadhay
naftaydu miday u jeeshay
bogayga markaan u jeexay
wixii jiray aan u sheegay
jareexo anoo sugaynin
intay suxulka igu jiiday
waliba si xun iii jaleecday
miyaan jixin jixo ka waayay

anoo jigjigiyo jabuuti
wajeer jawhariyo hargeysa
hablaha diridhaba dhex jooga
ka waayay midaan jeclaystay
jeelaalada eegadeeda
qalbigu tii u jeclaaday
haday jara sare isa saartay
jareexo anoo sugaynin
intay suxulka igu jiiday
waliba si xun iii jaleecday
miyaan jixin jixo ka waayay

Exit mobile version