Heesta Laxaw - Lyrics
maxaan laalay nacaboo farax laasimoo
laga iyo wadanaha inay ku dhigay
laacyo badan aduunyooy
waxa i luraya caashaqaaga
la go'doomay anigoo
naftaydii lalinayee
laxaadkiyo jidhkaygaa
lagu ladhay qof dheeroo
dhulba jiif u daayoo
leebaa igu taagan
ana laxawga oogada
uurkayga lagu ladhay
wakaa lid ii yeelee
miyaan loodin karayaa
waxaan i ahayn leexadu
inanyahay lulaysaa
liitoo xanuun qaba
waayuhuna loogee
anoo kuu lilaahiya
loolan ha i galine
laqdabooyin ha i badin
litaanan seedigin