Heesta Milayaaroob - Lyrics
Sida milayqa roob iyo
Mahiigaan habeen da'ay
Oo dadka maaxdiyo
Mataaneeyay gubacoo
2x
Mirta cay saraariyo
Dawyadii mareeriyo
Marinkii la moodiyo
Maasheeyay udugley
2x
Oo maamlmo gudahood
Intaan meeray goonyaha
Baliyada midaalee
Madoobeeyay geedaha
Madoobeeyay geedaha
Oo maankii noolaha
Mashaqadii ku ladhantiyo
mahadhadii abaartiyo
Murugadii ka rogaybaa
Ana iigu mudantoo
Muxibadaad i galisee
Ana iigu mudantoo
Muxibaad i galisee
2x
Sida geesi magacloo
Mawqif iyo hal adagoo
Markay miliqdo xaajadu
Maareeya taladoo
2x
Misne hadal mirdilcliyo
Mulki u le aftahanimo
Maalkana bakhaylin
midigtiisu furantay
2x
Oo madaxda dhaqaankiyo
Masaakiintu jeceshay
Ee galin marxalad culus
Markay murugto guurtidu
Loo doon madashoo
Soo muuqanaayo
Anba kuu mashxaradoo maxabaad i galise
Anba kuu mashxaradoo