inanyahay jaceylkii|
jirkiyo xanuunkii
jiraduu igaliyaan
jahwarerayaaye
muuqaaga jareerada
markaan ujeedaa
jiriiricoonayaaye
waan jiboodoo
jarcay dartaabey
jihadii iiga luntay
adoo diir naxaayaa
sooo jaleec dhankeyga
jamashadaa inanyahow
jidhaygaad jibaaxdee
miyaan jiifan karaayaa
adigaa ihor joogee
joogaaga quruxdana
adna waad ijiidatoo
jabaaya dartaabaan
dib ujeelanaayaa
jaanankii nafteydoow
jawaabtaydu waxay tahay
ku jaleecaye anigune
adna ila jir waligaa

Exit mobile version