Heesta Weydii dadkaba qaar - Lyrics
Inkastoo warkeyguba
Wabey qaraar iyo
Warmo kaaga daran
waxa sidatay yaable
heedhe anigu wacaney
weedhada kama didoo X2
ilimaa wardheeriyo
kii wabi kasoo gala
ama badaha waa weyn
adaan kaa wareystaa X2
Inaan wali ku jeclahay
Weydii dadkaba qaar X2
Inkastoo nan waayadan
Wajigagan imaano
Wadadiina soo marin X2
Walaacaagii kama tagin
Wadnaha jirkeygoo
Si baad igu weyn tahee X2
Markaad wada jirkeni
iyo weheshi diidaa
Anne kali u weecdoo
Wisiisi baa ku maqanee
Inaan wali ku jeclahay
Weydii dadkaba qaar X2