xaasidkii jaceylkiyo
xulufadaan isbiirsaday
xirfadooda ruuxaan xaqiiqadabaa
xaqiiqada aan ogaan karin X2

xil anaa u dhiibtee doqon yaa
doqon yaa xadeyn kara X2

ma markaad xaruntiyo ila dhaaftay
xeradaad xeey xeedan doontaa X2

xujo yahey lasoo diray
xanuunkaba adey baday X2

xabsi dheer in lay diro
ama aan xariga kuu jaro
miyuu xaalku marayaa X2

ruuxii xaqaagiyo
xuquuqdadii duudsiyay
ku xumeeyay maahiye
yaa maanka kaa xaday X2

hadaan xiiso kuu qabin kumaansoo
kumasoo xiriirsheen X2

xaawaleyda dumarkane
adaan kaa xigsadayoo
kumaan xoori karayee X2

kalgaceyl xad dhaafiyo
xurmaan kaa sugayaayeX2

xabsi dheer in lay diro
ama aan xariga kuu jaro
miyuu xaalku marayaa X2

Exit mobile version