inkastoo warkeyguba
waabey qadhaadhiyo
warmo kaaga daran yahay
waxad dhigatey yaablee
hadaan anigu wacanahay
weedhaada kaama helo
iyamaa wardheeriyo
kii wabi kasoo gala
ama badaha waaweyn
adaan kaa wereystaa
inaan wali ku jecelahay
waydii dadkaba qaar
inkastoonan waayahan
wajigaaga imanoo
wadadiina soo marin
walaacaagii kama tagin
wadanaha jirkeygoo
sidaad igu weyn tahay
markaad wada jirkeenii
iyo weheshi diidaan
ana kali wareegoo
wasiisi baan ku maqanahe
inaan wali ku jecelahay
waydii dadkaba qaar
inta waqalka caashaqu
waagiyo habeenkii
wadnahaygan ka onkodo
ee aad wardiga iyo
igu eeginba quraan
waxay aniga igu tahay
aduunyada wareegtiyo
inta wacan ku nool dumar
ee weyne uumey
adaan kaa wareystaa
inaan wali ku jecelahay
waydii dadkaba qaar