Umaleey jacayl
Weli jaar ma noqoteen?
Jid ma wada lugeyseen?
Ma la cuntay jidiin wali?
Jihaad ma isku aragteen?

Jiidhkaad ka dhalatiyo?
Ma kaa jaray dadkiinii?
Gooni socod makaa dhigay?

Umaleey Jacayl
Wali jiif ma kugu helay?
Jir-jirada ma kaa galay?
Hadba dhinac ma ku jaray?
JIbaadka iyo taahii
Jeerdhaaf ma oydoo
Ilmo jagac ma kaa tidhi?

Umaleey Jacayl
Jalow ma kula yidhi?
Jarro adag ma kugu xidhay?
Heeryo jaan ma kugu raray?
Jilbahana ma kuu riday?
Waxaad jeefad socotaba,
Intuu jalowgii kula dhacay,
Lugahaad ku joogtiyo.

Exit mobile version