VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Habaar qabe - Lyrics

hiirtaanyo dhigay naftu daysay hadal wel wel igama haroo hami iyo qamibaa hoy iga sameestee x2 habaar qabe jaceel baa haan ii biyaystoo heeryo idul saaree x2 hogaan igu adkeeyoo sida owr hayina baa ii laba cadeeyoo x2 howl ii dhamaatoo harka maalin wayntii hanfi iyo kuleel iyo cadowbaa imarayee x2 horintaan la noolahay hadal lama wadaagoo hindisahaaga umbaan soo hibanayaayee x2 waxan had iyo jeer habeen iyo dharaar hadaan heli karaayo haka oran lahaa adigoo hortaydiyo hareertayda joogee x2 sida geed haracoo haro iyo kuyaal wabi hoobaantu qarisoo hoosiis qabooboo indhuhu ay haliilaan x2 harkoodaan macaanoo caleemuhu huwinayoo miruhu ay ka hoobtaan x2 ama hayba geeloo howd iyo danood iyo sabadii hagoogane x2 gugu uu ku helayoo hadba geedka dooga leh hanadkii usha u siday ku hor jaag sanaayee x2 birqanayso xidigaha ayaad halacsi daymada hubaal iiga dhigan tahoo naftaa kugu hadraysee x2 waxan had iyo jeer habeen iyo dharaar hadaan heli karaayo haka oran lahaa adigoo hortaydiyo hareertayda joogee x2
Queue is empty
-- / --